Wasiirka Caafimaadka dowladda Turkey-ga Ahmet Demircan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kusoo wajahan magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Wasiirka ayaa bartiisa tuwitter-ka uu ku leeyahay waxa uu soo dhigay fariin ku qorneed afka turkiga oo uu ku sheegayo in uu maanta kusoo wajahan yahay magaalada muqdisho si uu ugu qeyb qaato gurmadka loo fidinaayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaaladda muqdisho.
Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka dowladda turkey-ga Ahmet Demircan ayaa sheegay in uu sido deeq dawo ah oo horu dhac ah iyo qubaro xaga caafimaadka ku xeel dheer,kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya daweynta dadkii ku dhaawacmay weerarkii magaaladda muqdisho ka dhacay.
Shalay madaxweynaha Turky-ga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dowladiisa ay gargaar caafimaad u fidinayso dadkii ku dhaawacmay qaraxii xooganaa ee ka dhacay dhacay isgoyska zoobe ee magaaladda muqdisho.