Wasiirka Wasaardda Arrimaha Gudaha iyo Federaal mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta xafiiskiisa magaaladda muqdisho ku qaabilay madax ka kala socotay Hay’adaha UNSOM, UNDP iyo Safaaradda Sweden, waxayna kawada hadleen dhaqaajinta iyo taabagelinta heshiisyadii ay maamulada Puntland iyo Galmudug ka gaareen nabada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Labada dhinac ayaa isku afgartay in la xoojiyo heshiisyda loona qabto sida ay Ku haboon yihiin. Beesha caalamka ayaa dowladda Federaalka ah kala shaqeynaysa sidii nabad waarta looga gaari lahaa colaadaha ku soo noq noqday magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug oo ay kawada arimiyaan maamulada Galmudug iyo Puntland.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan magaalada Galkacyo loo dhisay ciidan isku dhaf, kuwaas oo ka shaqeynaya nabadda magaalada. Sidoo labada Madaxweyne ku xigeen ayaa booqday dhulka miyiga ee inta badan kusoo laalaabta colaada reer miyiga.