Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka dhacaya Gobolada Hiiraan.
Wasiirka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka socda gobolka Hiiraan islamarkaana ah dhinacyada dagaalamaya ay nabada qaataan.
Waxa uu sheegay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaalka, waxa uu sheegay in Wasaarada Arrimaha gudaha ay ka shaqeyn doonto sidii dadka walaalaha ee Gobolka Hiiraan ku dagaalamaya loo heshiisiin lahaa.
Maamulka HirShabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan joojinta dagaalka iyo isku soo dhaweynta beelaha halkaasi ku dagaalamaya.
Maalmihii dambe ayaa dagaal u dhaxeeya labo beelood waxa uu ku dhexmarayay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baaq loogu diray beelaha halkaasi ku dagaalamaya.