Wasiirka Amniga Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Turkiga

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda Turkiga Suleyman Soylu.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Turkiga oo ku taalla magaalada Ankara ayaa labada Wasiir waxay kaga wada hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya iyo sidii Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga ayaa sidoo kale kulankooda diirada waxay ku saareen iskaashi laga sameeyo ammaanka iyo heshiis laga gaaray in lagu dhaqaaqo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale labada Wasiir ayaa kulankooda ku soo hadal qaaday sidii tababar loo siin doono Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo in meel looga soo wada jeesto Ururka Fathula Gulan oo lagu eedeeyay iney ka danbeeyeen Afgambigii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay Turkiga.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan dalka Turkiga halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay kala hadlayaan sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Al-Shabaab.