Wasiirka Amniga oo si cad u sharaxay qorshaha howl galada Xasilinta Muqdisho

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo xalay ka qayb galay shirkii looga hadlaayay Amniga magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalada xasilinta Amniga Muqdisho ay yihiin kuwa lagu sugayo Amniga Caasimada isla markaana uu yahay go’aan Xukuumadeed cidii ka hortimaadana tilaabo Sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Wasiirka oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay inay daba socdaan sidii loo fulin lahaa go’aan.

“Qori iyo hub waxba ma soo kordhinayo, magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe waa lagu nool yahay hubna laguma wato, anaga qorshaha aan rabno waa in saddexda bil ee socota  magaalada Muqdisho ka dhigno hub la’aan”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Waxaa uu sheegay in aan la ogolaan doonin baabuur tikniko ah oo warqad fasax ah aan wadan, isagoo xusay in askari hubeysan iyo dareys aan lagu wadan karin magaalada

“Qofka askariga ama Milateri ha ahaado, Boolis iyo Nabadsugid hala soo xiriiro taliyihiisa warqad cadeyn haka keensado, hadii la arko askari kaligiis iska socda hubka waa lagala wareegayaa, isagana xabsi ayaa la dhigayaa waa go’aan guud illaa Madaxweynaha ka soo baxay”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay rajeynayaan in sanad gudihiis magaalada qofna lagu dilin, qaraxna ka dhicin, isla markaana ay sameyn doonaan tallaabooyinka lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho uu soo hagaagay muddooyinkii u dambeeyay, isla markaana ay ciidamada u taagan yihiin inay naftooda u huraan shacabka.

Ciidanka Xasilinta Caasimada Muqdisho ayaa tan iyo markii ay howl galeen waxa ay sameeyeen tilaabooyin guul ah isla markaana waxa ay saameyn wanaagsan ku yeesheen Amniga Magaalada Muqdisho.