Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa kulan la qaatay Hogaamiyaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Macalin Maxamud.
Wasiir Yuusuf Garaad ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in uu kulan gaar ah la qaatay Hogaamiyaha Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan islamarkaana ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.
“Waxaan kulan kula qaatay Nairobi, laba mas’uul oo sare oo Ahlu Sunna ah. Waa Macallin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir,si gaar ah waxaan isaga wareysannay marxaladda siyaasadda iyo dib u heshiinta siiba Goballada Dhexe.
Kulanka Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya Yusuf Garaad iyo Madaxda Ahlu-Suna Waljameeca ayaa imanaaya Xili Ururka IGAD markale isku dayayo is fahan ka dhax dhaca Maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna.