Wasiiraka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Munaasabad si aad u qurux badan loo soo agaasimay xalay magaalada Hyderabad ugala qeyb galay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan oo u badan arday.
Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen dhowr boqol oo Soomaali ah oo dhallinyaro u badan waxaa soo agaasimay Safaaradda Soomaaliya ee New Delhi iyo ardayda Soomaaliyeed ee Hyderabad waxaana loogu talo galay in lagu soo dhoweeyo wafdiga Wasiirka, taageerana loogu muujiyo Dowladda Soomaaliya.
Waxa ay iska xog wareesteen xaalad dalka waxaana, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali-Daahir, Wasiir Yuusuf Garaad iyo Danjire Ebyan Ladane ay ka jawaaben su’aalo muhiim ah, qaarkoodna ay xasaasi ahaayeen oo ay dhallinyaradu weydiiyeen.
Wasiir Yuusuf Garaad oo faah faahinayay kulanka ay la qaateen Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool dalka India iyo waxyaabihii ay ka wad hadleen ayaa yiri.
“Waxaan munaasabadda kula kulmay dhallinyaro aqoon iyo faham wanaagsan, aftahan ah, qaarkood ay suugaanleey yihiin oo dhammaantood ay ka muuqato astaan waddaniyadeed.
Waxaan u tegey Hyderabad in aan ardayda soo xog wareysto anna aan dalka iyo Dowladda uga warramo si aan ugu dhiirri-geliyo waddaniyad. Quruxda, hadal aqoonta iyo waddan jacaylka ay ardaydu igu soo dhoweysay waxay noqdeen kuwo aniga i qiiro iyo dhiirri geliya.
Waxyaabaha ay igu soo dhweeyeen waxaa ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo lebbiskooda iyo heelladooda wata.
2009 ayaan booqday Hyderabad oo weliba aan anigu casuumay ardayda.
Marka aan arkay qabanqaabada iyo hannnaanka iyo weliba tirada waxaan arkay horumarka ay ku tallaabsadeen Soomaalida tan iyo xilligaas.