Wasiir xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa xalay ku geeriyooday Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Ganacsiga Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Saciid Xaashi Tooxow.

Warkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Dekadaha maamuka Hirshabeelle Xuseen Maxamed Tuuryare.

Qaar ka tirsan ehelada marxuumka ayaa waxa ay sheegeen marxuumka maalmahan inuu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, ugu dambeyna uu xalay ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer.

 Madaxda maamulka Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Ganacsiga Hirshabeelle.

Waxaa socda qorshe aas qaran loogu sameynayo marxuumka, waxaana qaban qaabada aaska wada ehelada marxuumka geeriyooday iyo qaar ka tirsan Wasiirada Hirshabeelle.