Wasiir sheegay in Maamulka Galmudug ay bururin ku hayaan Mas’uuliyiin awood ku leh Villa-Somalia

Maamulka Galmudug ayaa Dowladda Soomaliya ku eedeeyay in ay abaabushay afgambi dhicisoobay oo ka dhashay xiisada siyaasaded ee ka aloosan Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Goboleedka Galmudug   Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaa  oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas ayaa sheegay in Madax Ka Tirsan Dowladda Soomaliya oo awood ku leh Madaxtooyadda Soomaliya in ay wadaan qorshaha lagu burburinayo Dowladd goboleedka Galmudug.

Waxa uu Sheegay in afgambigii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay magaaladda caadado uu yahay mid ay soo abaabuleen madax ka tirsan Dowladda Soomaliya islamarkaana ay ka digayaan In mar kale ay ay go’aankaas oo kale la qaato.