Wasiir omaar oo beeniyay in la xiray

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) ayaa beeniyay warar sheegaya in la xirey.

Wasiir Oomaar oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay wararka sheegaya in la xirey mid been abuur ah;

“Runtii aniga maanta iskadaayee xataa waligeey intaa dhashay leyma xirin,waana riwaayad si fiican loo jilay oo aan arkayay qoraalo dad lacago looga qaatay oo leygaga been sheegayay” ayuu yiri wasiir Oomaar.

“Warbaahinta waxaa looga baahan yahay inay iska hubiyaan Wararka ay baahinayaan,sidoo kalena isaga aysan jirin xilligaan cid soo dacweysatay oo heysata.”ayuu sii raaciyay.

Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta maxaliga ah ayaa waxa ay daabaceen in arrimo musuqmaasuq loo xirey wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada.