Wasiir ku baaqay in Muqtaar Roobow uu cafis weydiisto Bulsha weynta Soomaaliyeed

Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ah Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay isasoo dhiibitaankii Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay uga mid ahaa Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in isasoo dhiibitaanka Muqtaar rooboow aysan xiligaan aheyn wax macno leh,islamarkaana ay u geysay in xaalad xun uu galay maadaama uu khilaaf kala dhaxeeyay isla Al-Shabaab.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Muqtaar Rooboow waajibaadka koowaad ee looga baahan yahay ay tahay in uu Cafis weeydiisto Shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu qalad badan ka galay sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Dastuurka maamulka Koofur Galbeed waxa uu intaas raaciyay in Muqtaar Roobow ay jirtay Waqti uu tayo lahaa oo ay u baahnaayeen labada dhinacba in ay ka faa’iideysan lahaayeen balse hada la joogo uu yahay mid naftiisa lasoo baxsaday.

Muqtaar Roobow ayaa sida lawada ogyahay ahaa nin ku fiican dhanka guubaabada dagaalka gaar ahaan waqtiyadii kala duwnaa ee Soomaaliya ay ku sugnaayeen ciidamadii Itoobiyaanka iyo waliba inuu dhamaan Askarta Amisom iyo kuwa Soomaalida oo ay la galeen dagaalo kala duwan xiliyadii uu ka midka ahaa ururka Al-shabaab.