Wasiir ka tirsan Britian oo safar Qarsoodi ah ku yimid Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in magaalada muqdisho uu safar qarsoodi ah kusoo gaaray Wasiirka ciidanka qalabka sida ee UK mike penning.

Waxaa hadalkan bogiisa twitterka ku xaqiijiyay safiirka dowlada Ingiriiska u fadhiya Somalia David concar.

Wasiirkan ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada Britain, kuwa UN-ka iyo kuwa AMISOM ka jooga Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira amaanka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana uu wasiirka u kuur galayay xaalada ciidanka Ingiriiska ka jooga Soomaaliya kuwaasoo dhawaan lagu soo dari rabo ciidan kale oo dheeri ah.

Sidoo kale Mr. Mike Penning ayaa kulan la qaatay abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee Somalia Jen. Cali Baashi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xoojinta iyo dib u dhiska ciidanka XDS.

Lama sheegin kulamo dhexmaray Wasiirka ciidamada qalabka sida ee UK Mike Penning iyo madaxda sare ee dowlada Soomaliya intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.