Wasiir ka socday dalka Eritrea oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa saakay ka soo degtay diyaarad siday Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eritrea Mudame Cusmaan Saalax.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Wasiiro ka tirsan xukuumada oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibadda Amb. Axmed Ciise Cawad.

Xubnahan Wafdigaan ayaa waxaa loo soo galbiyay Madaxtooyadda Villa Somaliya, halkaasi oo lagu wado inay kula kulmaan madax ka tirsan dowladda Federalka Somaliya.

Safarka Wafdiga ka socda Eriteriya ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa daba socda socdaal madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo dhawaan uu ku tagay magaalada Asmara.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa wuxuu bilow u ahaa adkeynta xiriirka Labada Dowladood, waxaana wafdigan hordhac u yihiin wufuud kale oo Eritrea ah oo soo gaaraya magaalada Muqdisho.