Wasiir ka hadlay Nimaad xumo Maamul oo ka jirta Shirkadaha bixiya adeega Isgaarsiinta Dalka

Wasiirka Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegay shirkadaha dalka ka jira in looga baahan yahay meesha inay ka saaraan nidaamka isbarbaryaaca ah ee ku aadan adeegyada ay bixiyaan.

Wasiirka Boostada Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur, ayaa sheegay shirkadaha adeega taleefoonada bixiya inuu isbar bar yaac baahsan ka jiro oo qadadka ay bixiyaan xilliyada qaar ku yimaado nidaam xumo maamul, taasina looga baahan yahay in meesha laga saaro.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Bulshadda Soomaaliyeed ay helaan adeeg hufan.

Wasiirka Wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ENG. Cabdi Canshuur ayaa horay u sheegay in Wasaaradiisa aysan la heyn awood ay kula soo wareegto furaha Soomaaliya ee 252.

Waxaa uu sheegay in Shirkaddo si gaar ah loo leeyahay ay gacanta ku hayaan furahaasi,islamarkaana ay gadaal kaga dareen lambaro kale.