Wasiir Islow oo shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud Wasaarada Amniga

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale  ayaa Shaqa joojin waxaa uu ku sameeyay Agaasimaah guud ee Wasaaradaas, isaga oo Magacaabay Agaasime KMG ah.

Warqad kasoo baxday Wasiirka AmnigaSoomaaliya kuna taariikheysan 17/8/2019  ayaa lagu sheegay in Shaqadii laga joojiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed, isla markaana si KMG ah xilkaas loogu dhiibay Axmed Cabdi Kooshin.

Warqada ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu tixgeliyay ahmiyada Agaasimaha Guud u leedahay  dhismaha iyo hannaanka shaqo ee wasaaradda Amniga hortaalla iyo go’aankii Golaha wasiirada ku baabi’iyeen Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Shaqa joojinta ee kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga Soomaaliya.