Wasiir hore oo Xaaf ku eedeeyay inuu wado qaldan u marayo wadahadalada Ahlu-sunna iyo Galmudug

Madaxweynaha mamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa lagu eedeeyay in wado qaldan uu u marayo wada-hadalada Maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna.
Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug Cusmaan Dheere ayaa sheegay in hanaanka Xaaf u marayo wada-hadalka uu yahay mid qaldan,islamarkaana uusan haysanin kalsoonida xildhibaanada Galmudug oo dhawaan sheegay in xilkii ay ka qaadeen.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta Galmudug Cusmaan Dheere ayaa ku eedeeyay dowladda Dhexe ee Soomaliya in ay ceeb ku tahay  maamuladda Ahlusuna waljameeca iyo Galmudug in shir dib u heshiin u qaban weyso gudaha dalka, iyadoo haatan lagu wada-hadal siinayo dalka Jabuuti.

Ugu dambeyntii Cusmaan Dheere waxa uu sheegay in Natiijo fiican aan laga fileynin wada-hadalka Maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna ugu soo gaba-gaboobay Magaaladda Djabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.