Wasiir hore oo sheegay in Hey’adda NISA isku bedeshay meel Siyaasiyiinta lagu caburiyo

Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka jawaabay qoraal ka soo baxay Hey’adda NISA oo lagu hakiyay qandaraas la sheegay inuu saxiixay sanado ka hor.

Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay inuu xilka wareejiyay bishii April ee sanadkii 2017, isagoo is weydiiyay sababta xilligan looga hadlay qandaraas uu horay u bixiyay sida uu hadalka u dhigay.

“Bishii April 4-teeda 2017 ayaa xilka wareejiyay ku dhowaad labo sano lagama hadlin, waxaa is weydiin mudan maxaa hada looga hadlayaa qandaraas la bixiyay oo la leeyahay wasiirki hore bixiyay, sababta wax kale ma ahan waxaa la rabaa in magaca laga dilo in dadka la cabsi geliyo, gaar ahaan siyaasiyiin, si aysan fikirkooda iyo dhaliilaha ay u soo jeediyaan dowladda aan loo soo jeedin, intaas waaye sababta ka dambeysa”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar.

Waxaa uu sheegay inuu kalsooni isku qabo, isla markaana aanay jirin qandaraas lagu bixiyay sharci daro, wax walba loo maray nidaam waafaqsan sharciga sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay in Hey’adda NISA ay is bedeshay hey’ad lagu caburiyo dadka siyaasiyiinta laguna cabsi geliyo kuwa fikirkooda ka duwan yahay dowladda, isagoo xusay inuu hadda ay socoto dhaqankii Milateriga oo ah dhaqan ka soo horjeeda dimoqraadiyadda sida uu yiri.

Qoraal lagu shaaciyay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in la joojiyay qandaraas ku baxayay mallaayiin doollar, kaasoo uu bixiyay Wasiirkii hore Amniga, iyadoo arrintan baaritaan loo diray, loona gudbiyay Hanti dhowrka Qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa inay caburin ku heyso siyaasiyiinta ka aragti duwan, iyadoo la xusuusto weerarkii sanadkii hore lagu qaaday Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, kaasoo si weyn u dhaliila dowladda..