Wasiirka Arimaha Dibada Dowladda Soomaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyey in kulan uu la qaatay Wasiirka Arimaha Somali-land Dr-Sacad Cali Shire in looga hadlay arimaha Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo wada hadaladii u socday labada dhinac.
Cawad ayaa Sheegay kulanka uu la qaatay Wasiirka Arimaha dibada Somali-land uu ahaa mid caadi ah oo looga hadlay dano gaar ah labadooda, oo aan qusayn Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo wada hadaladii u socday.
“kulankeenu waxaa uu ahaa mid caadi ah mana lagu soo hadal qaadin Arimaha siyaasada Soomaaliya iyo Soomaaliland, waxaanu qaadanay Kulan caadi ah oo aan isku aragnay, waana been abuur wararka sheegaya in Soomaaliland iyo Soomaaliya ay wadahadleen” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.