Xildhibaan Bayle: Suurtagal Maahan In Xiligan Qaxooti Soomaaliyeed Dalka lagu soo celiyo

Wasiirkii hore Arimaha Dibada Ahna Xildhibaan Aqalka hoose Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle  ayaa sheegay in xiligii uu Wasiirka ahaa inuu iska diiday  qorshe ay ay Dowlada Norway usoo Bandhigtay oo ahaa in ay ay doonayaan inay dib dalka ugu soo celiyaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dalkooda,

Wasiir Bayle ayaa sheegay inaysan suurtagal ahayn in xiligaan dalka dib loogu soo celiyo Qaxooti  Soomaaliyeed waxa uuna ku sababeeyay xaalada dalka oo aanan wali nabad buuxda lagu laga dhalin. Walina ay taagan tahay dhibaatadii ay dadkaasi ka carareen,

Dhawaan ayay ahayd markii dowladaha Norway iyo Denmark ay sheegeen inay dib  uga celinayaa qaxootiga magangalayada ku joogay dalalkooda Sababo la xiriira xaalada Amaan ee Dalka Soomaaliya oo xiligaan amaankeeda yahay mid ka soo raynaya sanadihii u danbeeyay,

Wadanka Norway ayaa ka mid ah wadamada dib u dajinta u sameeyay soomaalida tan iyo burburkii soomaaliya,

©Goobsan Media

Halkan Hoose ka Daawo Waraysiga Wasiir Bayle