Wasiir Bayle oo kormeeray Dekedda Magaalada Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo qaar kamid ah howlwadeenada ayaa Maanta booqasho ku tagay Dekadda Magaalada Muqdisho, iyagoona kormeeray hawsha ka socota dekadda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda C/laahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa sheegay  in kormeekoodu uu ku qotomo dhiirigelinta shaqaalaha iyo ilaalinta Amaanada dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa si qoto dheer ugu kuur galay qaabka shaqaalaha u shaqeynayaan iyo sida ay canshuuraha u qaadaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay Shaqaalaha Dekadda wuxuuna kala hadlay arimo muhiima oo u badan in la tayeeyo hawsha ka socota Dekadda Magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in dowladda xuquuqda Shaqaalaha ay joogteyn doonto, si gaarana loo qiimeyn doono dadka waqtiga dheeriga shaqeeya, wuxuuna ugu dambeyn ku dhiiri galiyay shaqaalaha in ay ku dulqaataan duruufaha dalka ka jira iyo Dakhliga dowlada oo yar.

Booqashada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa imaaneysa xili uu dhawaan dekadda magaalada muqdisho uu booqday Ra’iisul waaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre isagoona sidaan oo kale ugu guul galay shaqada ka socota Dekadda Muqdisho.