Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay howlgal maanta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Warta Eey Duure oo qiyaas ahan 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Howlgalkaas ayaa ciidamadu waxay ku khaarajiyeen horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Abuukar Cali, kaasoo ahaa madaxa Maaliyada iyo isku dubbaridka askareynta caruuurta yar yar ee loo adeegsan jiray gaashaanka dagaalka.
“Horjoogahan la dilay oo lagu magacaabo Cabdullaahi Abuukar Cali wuxuu ahaa madaxii maaliyadda ee Khawaarijta, kana masuul ahaa maamulidda lacagaha shacabka laga baado iyo isku-dubbaridka askareynta carruurta yaryar ee loo adeegsan jiray gaashaanka-dagaalka. Wuxuu ahaa halbawle khatar ah oo xukunkii Khawaarijta Al-Shabab uga soo shaqeeyay gobolka Bakool, kana mid ahaa shaqsiyaadka ugu saameynta badan ee la baadi-goobayay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in howlgalkan u jeedkiisu uu ahaa in shacabka deegaanadaasi laga hor leexiyo horjooge Cabdullaahi Abuukar Cali oo dhibaato xoogan ku haayay dadka ku nool deegaanada gobolka Bakool.
Ugu dambeyntii Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya waxay sheegtay iney ka go’an tahay burburinta awoodda ciidan, dhaqaale, iyo xag jirnimo ee kooxda Al-shabaab ilaa inta laga ciribtirayo guud ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin dalka.