Wasaaradda Gaadiidka oo sheegtay in ay Sameyn doonaan Taargooyin Cusub oo Ganacsi ah

Wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa soo saaray sharci cusub oo ku saabsan sumadda Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Wasiirka ayaa sheegay in sharcigan uu yahay mid cusub iyo mid laga soo qaatay xeerarkii hore oo la is waafajin doono.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay sameeyeen taargooyin cusub oo ganacsi ah, kaasoo loogu tala galay gaadiidka dibadda laga keeno ee la geeyo garaashka ka hor inta aan la iibsan, isla markaana marka la iibsado la siinayo taargooyin cusub oo rasmi ah.

Wasiirka ayaa sheegay in xeerkan cusub uu ku jiro qodobo cadeynaya qofka iska iibinaya gaadiidka uu taargada dib u soo celiyo, si looga hortago in gaariga uu iska iibiyay loo adeegsado falal amni daro ah, isla markaana loogu qabsan.

Inta badan gaadiidka la iska iibiyo ayaa la marin hab sharci ah, iyadoo ay dhacdo in hal gaari ay dhowr qof isku marto, isla markaana wata halkii taargo ee markii hore lagu soo iibsaday.