Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo Ganacsatada uga digay qatarta Badweynta Hindiya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la gaaray xilligii Bad xiranka, isla markaana waxa ay digniin kasoo saareen mowjadaha dabaylaha wata ee ka dhaca badweynta Hindiya taasoo aysan suurtagal ahayn in ay maraan Doomaha Yar yar iyo Maraakiibta yar yar sidaa darteedna aysan Ganacsatadu nafsadooda iyo hantidooda kusoo haligin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur ayaa sheegay in la gaaray xilliga Bad xirinka, Maraakiibta iyo Doonyaha yar yarna aysan mari karin xilligan Bad weynta Hindiya.

Waxa uu sheegay Maxamed Dhagaxtuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Maraakiibta waa weyn in xilligan oo kale ay mari karaan.

Sanadkasta xilligan oo kale waxaa Badda ka dhaca Dabeylo waa weyn, kuwaasi oo ka imaanaya Koonfur Galbeed, islamarkaana u dhaca waqooyi Bari.