Wasaaradda Arrimaha dibeda oo beenisay Musuqa lagu soo eedeeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradaas

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay dhacdadii Ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran gudaha ugu galeen xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho iyo eedeynta musuq maasuq ee Hanti dhowrka Guud iyo xeer Ilaaliyaha u jeediyeen Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

 War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu cambaareeyay falkaas, waxaana lagu beeniyay dhammaan eedeymaha loo jeediyay inay yihiin kuwo xaqiiqda ka fog, isla markaana ay tahay mid sumcada looga dilayo mas’uul dowladeed oo gudanaya xilkii loo igmaday.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda:-