Wasaaradda Arrimaha Dibada oo la filayo maanta in ay ku dhawaaqdo Go’aamo Cusub

Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay ku dhawaaqdo go’aamo cusub oo ku aadan Arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana loo yeeray dhammaan Warbaahinta Soomaaalida iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xiriirka u jartay dowladda Guinea ka dib markii ay ku eedeysay in ay ku xadgudubtay Arrimaha Qaranimadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay ku dhawaaqdo go’aamo ka dhan ah dowlada Kenya.