Wasaaradda Amniga Oo Faahfaahin ka bixisay Lacag Ay Ku Qabatay Garoonka Adan Cade.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa war saxaafadeed ka soo saartay boorsooyin lacag laga soo buuxiyay oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sheegtay in lacagta la qabtay cadadkeeda uu yahay 9.6 milyan, lana baarayo halka ay ka timid iyo meesha ay u socotay.