Wariye Maxamed Ibrahim Macalimow oo qarax lala eegtay

Faaf-faahino dheraad ah ayaa kasoo baxayo Qarax xoogan oo daqiiqo ka hor ka dhacay degmada Waaberi ee gobola banaadir, gaar ahaan aaga loo yaqaan debka.

Qof is miidaamiye ah ayaa isku ku qarxiyey gaari u watey Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, sida uu kuĀ  shegay Afhayeenka Booliska qoraal kooban uu soo dhigay Baraha xiriirka Bulshadda.

Waxaa la shegay in uu gaaray Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya dhawac in kastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay dhaawacaasi.