Wariye maanta laga qafaashay Magaalada Muqdisho

Wariye Hanad Cali Guuleed oo ka mid ah Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la soo sheegaya in saakay laga qafaashay wadada, xilli uu ka soo baxay hoygiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqo.

Wariyaha oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayaa markii war dambeysay waxaa uu ka soo baxay hoygiisa oo ku yaala Deegaanka Km 13 ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Wariye Aweys Xasan Maxamed oo ka mid ah Suxufiyiinta Warbaahinta Goobjoog, ayaa xaqiijiyay in aanu saakay shaqada imaan Hanad Cali Guuleed, warka ku saabsan afduubkiisuna uu walaac geliyay.

Hanad, ayaa ka mid ahaa kooxo Suxufiyiin ah oo isu hawlay ka qayb qaadashada gurmadka abaaraha daran ee dalka ka jira, waxaana la tuhmayaa in afduubkiisu uu la xiriiro doorkiisa ku aadan u gurmashada dadka nugul.