Wariye Hodan Naleeye & Saygeeda oo ku geeriyooday Qaraxii magaalada Kismaayo.

Ciidamada Amniga ayaa dhoweyd caawa la soo afjaray Weerarkii Dabley ka tirsan Alshabaab ku qaadeen Hotelka Cas-casey ee bartamaha magaalad Kismaayo.

Afhayeenka Hay’adaha Amniga Jubbaland ayaa sheegay in weerarka lasoo afjaray, waxaana wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegayaan in weerarka hotelka Cas-casey ay ku dhinteen dad dhowr ah oo ay ka mid tahay haweeney saxafiyad caan ah iyo saygeeda.

Hodon Naaleeye iyo Saygeeda Fariid Jaamac ayaa ku geeriyooday qaraxa iyo weerarka lagu qaaday Hotelka. Hodon ayaa ahayd saxafiyad Muuqaallada duubta -Youtuber, waxayna sameyn sameyn jirtay muuqaaladda horumarka dalka iyo is-dhexgalka bulshada, iyadoo saygeeda uu ahaa ganacsade iyo wasiir hore oo ka tirsanaa maamulka Puntland.

Waxaa kaloo hotelka ku dhintay Musharax Maxamed Siciid oo ka mid ahaa musharixiinta maamulka Jubbaland, nabadoon iyo weriye Maxamed Sahal Cumar (Gacmadheere), iyadoo sidoo kale lasoo werinayo dad dheeraad ah oo weerarka ku dhintay.

Qasaaraha ayaa ah in badan 7 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca 15-kale, waxaana weli soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qasaaraha weerarkii Hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo.