Wariye Cumar Seerbiya Oo Dib U helay Xoriyadiisa

War hadda naga soo gaarey magaaladda Hargeysa ayaa sheegaya in la sii daayey wariye Cumar Seerbiya.

Kadib mudo seddex maalmood ah oo uu u xirnaa laanta sirdoonka Somaliland wariye Seerbiya ayaa waxaa manta la soo siiyey xoriyadiisa.

Weli waxaan la shaacin sababtii rasmiga aheyd ee loo xirey Wariyahan oo 8dii bishan lagu xirey Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeisa xili uu ka yimid Muqdisho oo uu ka howlgalo.

Soo deynta wariyaha ayaa ku soo aadeysa xili shalay hay’ada xuquuqul insaanka Somaliland ay dowladda ka dalbatey sii deynta suxufigan.