Wariye Cabdirisaq Aadan Qoslaaye oo Muqdisho ku geeriyooday

Allaha u naxariistee Wariye Cabdirsaaq Aadan Qoslaaye oo kamid ahaa wariyayaasha in muddo ah kasoo howl galaayay Magaaladaan Muqdisho ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal  loola cararay.

Wariye Cabdirisaaq ayaa xalay loola cararay mid kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ka dib markii uu neefta ay ku ceshoontay oo uu naqaska ku dhagay sida uu inoo sheegay Agaasimaha xafiiska Muqdisho muuq baahiyaha uu Wariyaha geeriyooday ka tirsanaa ee Kalsan Mowliid Shiikh Maxamed Urur.

Waxa kale oo uu inoo sheegay in uu ahaa wariyaha nin shaqadiisa ku firfircoon oo daacad u ahaa aadna loo jecleysan jiray la shaqeyntiisa.

Waxaa la filaayaa in isla maanta Magaalada Muqdisho lagu aaso wariyaha geeriyooday Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Aadan Qoslaaye.