Wariye Cabdicasiis Afrika oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Qaraxii lala eegtay

Qarax  lala eegtay Allaha u naxariistee Wariye Cabdicaiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii ka dhacay Muqdisho, halka sidoo kalena uu dhaawacmay Agaasimaha SNTN Sharmaake Maxamed Warsame…

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxii Caawa dhacay aan gaarigiisa loogu xiran Marxuum Cabdicasiis Afrika oo markii hore la sheegay qaraxaas loogu xiray gaarigiisa, uuna ku qarxay.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in gaariga ay saarnaayeen Agaasimeyaasha Radio Muqdisho iyo kan Telefashinka Qaranka ee SNTV uu ka yimid dhinaca degmada Boondheere gaar ahaan wadada Busley, isla markaana gaariga uu ku booday qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kadibna isku qarxay.

Wariye Cabdicaiis Afrika ayaa waxaa marka hore soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana loo qaaday Isbitaal si loogu daaweyo, waxaana la dhaawacmay Agaasimaha Telefashinka Qaranka SNTN Sharmaake Maxamed Warsame.

Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicaiis Maxamuud Guuleed Afrika ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray qaraxii lagula eegtay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Cabdicasiis Afrika ayaa hadda kahor dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka dowladda, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Belgium oo uu muddo ku noolaa, isagoo Muqdisho kusoo laabtay dhowr sanno kahor.