Wareejinta Ciidamada Ahlu-suna maka duwantahay tii Waqtigii Xasan Sheekh

Ma ahan markii ugu horeysay ee Ahlusunna ay Ciidamo ku wareejiso dowladda Federaalka Soomaaliya Bishii Agoosto Sanadkii 2013 xilligii dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Ahlusunna dowladdaas ku wareejiyeen Ciidamada hadana waxba kama dhaqan gelin.

Shalay waxaa sirasmi ah dhuusamnareeb uga bilaawday diiwaangelinta Ciidamada Ahlusunna ee dhawaan Dowladda ay ku wareejiyeen, iyada oo la marsiiyay habraaca qarameynta,waxaana Gobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, taliyeyaasha Ciidamada Millateroga, Booliska, Asluubta iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Dad badan ayaa isweeydinaya Go’aanka Ahlusunna ay dowladda ugu wareejiyeen Ciidamada ma noqon doonaan kuwa dhaqangala mise weli waxaa jira caqabado kale oo ku gadaaman in Ciidamadaas ay noqdaan kuwo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ka sokow marka laga fikirayo in hadda ka hor xilligii Dowladii Xasan Sheekh ay wareejiyeen Ciidamda Ahlusunna hadana rumoobin ayaa waxa xusid mudan in caqabad kale ay ka jirto dhismaha Galmudug oo Dadka Reer Cadaado ay aamisann  yihiin in xaquuqdii ay lahaayeen laga weeciyay,waxaana taasi ay horseedi kartaa in Galmudug ay Cadaado iyo Dhuusamareeb kala joogaan,isla markaana ay Sahli karto in Ahlusnna ay Ciidamadooda ay dib u ceshtaan.

Ahlusunna ayaa ah awood muuqata oo ka jirta Gobolada Dhexe, iyaga oo dagaalo culus la galay dhowr jeer Al-Shabaab oo weeraro ku qaaday,hadana sidaas oo ay tahay dadka ku nool Magalada Cadaado ayaa aaminsan in Ahlusunna ay yihiin caqabada koowaad ee dhismaha Maamulka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa weli ku sugan Magalada Dhuusamareeb,hayeeshee hadii uusan tegin Magalada Cadaado oo uusan xalin tabashada dadka ku nool Magaladaas oo ah in Dhuusamareb aysan isku heli karin in lagu qabto Shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug la aaminsan yahay in jug jug meeshaada joog ay noqoneyso.

Su’aasha maanta taagan ayaa ah Ahlusunna ma sidii ay Ciidamadooda ugu wareejiyeen sanadkii 2013 Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayay ahaan doonaan mise waxaa jira isbedel keeni kara in Ciidamadaas ay ka sii mid ahaan kuwa dowladda Soomaaliya?.