WARBIXIN: Miyaa Xal laga gaaray Khilaafkii Xubnaha sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Iyadoo maal mahii ugu danbeeyay jawiga siyaasadeed ee golaha shacabka uu ahaa mid jawah wareersan  kadib markii khilaaf  xoogan uu soo kala dhex galay hogaanka Baarlamaanka, kaasi oo sababay iney is taagaan howlahii shaqo ee golayaasha fulinta iyo sharci dajinta ee dowladda, ayaa waxaa guul dareystay dhax dhaxaadintii laga dhax waday labada garab ee uu u kala jabay baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxmed C/llaahi Farmaajo oo isbuucii la soo dhaafay waan waan ka dhax waday xildhibaanada kala taageersan gudoomiyaha Baarlamaanka mudane Jawaari Iyo ku xegeenkiisa cabdiwali Muudeey ayaa waxaa lagu waramayaa iney guul dareysteen wada hadaladaasi lagu doonayay in meesha looga saaro mooshinka khilaafka dhaliyay ee laga keenay Afhayeenka Gobalaha  Shacabka.

Wararka laga helayo Xubnaha labada garab ee baarlamaanka is khilaafsan ayaa xaqiijinaya iney fashilmeen dadaaladii madaxweyne farmaajo ee ahaa, in wada hadal lagu xaliyo xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloolsan hey’ada sharci dajinta jamhuuriyada Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Jawaari inuu baneeyo xilka afhayeenka Golaha Shacabka, maadaama ay ku adkeysanayaan xildhibaanada inta uu Jawaari xilka hayo ineysan wax wada shaqeyn dhax mari doonin.

Sido kale xildhibaanada kasoo horjeeda godoomiyaha baarlamaanka dhax-dooda ayaa la sheegay inuu jiro khilaaf ka dhax taagan, maadaama ay isku fahmi wayeen in maalinta bari ee Arbaco ah la qaban doono kulan ay yeelanayaan xildhibaanada, kaa oo ajandahiisu yahay xilka qaadista gudoomiye Jawaari.

Xildhibaanada kasoo horjeeda Afhayeenka Golaha Shacabka qaarkood ayaa qaba in Madaxweynaha looga danbeeyo xal u helista khilaafka siyaasadeed ee tagan, halka kuwa qaar ay qabaan in maalinta bari ah ay xarunta golaha shacabka ku qaban doonaan kulan kalsoonida loogala noqonayo mudane Jawaari.

Lama garan karo sida ay wax isku badali karaan, sababto ah waxaa wali taagan xiisada siyaasadeed ee ka dhax taagan hogaanka baarlamaanka Soomaaliya oo kulankii sabtida ay yeelan lahayeen baarlamaaka uu baajiyay madaxweynaha soomaaliya, kaa oo dalbaday in dib loo dhigo kulanka, six al ka duwan kan taagan wax loogu dhamaayo.

Xildhibaanada la magac baxay Badbaadada Golaha shacabka ayaa dhankooda ka digay kulanka berri, iyagoo sheegay in xaalada ay uga sii dari karto, maadaama aysan jirin xal muuqda oo la gaaray.

Kualnka maalinta bari ah ee ay shaaciyeen xildhibaanada kasoo horjeeda gudoomiye jawaari ayaa laga yaaba hadii uu bari qabsoomo, in halkaasi uu ka dhaco gacan ka hadal waxyeelo badan ay ka dhalan karto, taa oo sababi karta in halka hada xiisada ay taagan tahay ay cirka isku siii shareerto.