XOG: Ku-simihii Agaasimaha hay’adda NISA oo Xabsi guri la geliyay

Ku-simihii agaasimaha hay’adda NISA ayaa xabsi guri ku jira, iyadoo hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka laga xayiray dhaqaalihii ay ka heli jirtay dowladda.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu kiis musuq ah ku soo baxay ku-simihii Agaasimaha NISA Cqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kadib markii la sheegay inuu lacag boqolaal kun oo doolar ah isku dayey inuu lunsado oo ay lahayd Hay’adda.
Wararka ayaa sheegaya in lacagtan oo ahayd tii loogu talogalay howlgalka ciidamada NISA maalmo ka hor laga qaaday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo markaas kadib uu kusimaha isku dayey inuu la baxsado lacagtaasi, laakiin laga soo celiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Hanti dhowrka dowladda ayaa amray in la xayiro wixii dhaqaale ah ee NISA ay leedahay, iyadoo madaxda Bankiga Dhexe lagu amray inuusan bixin karin dhaqaalaha u loo qoondeeyay NISA.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in taliye ku xigeenka ahna kusimaha xilka NISA uu hadda ku jiro xabsi guri, iyadoo xafiiska hanti dhowrka uu baaritaan ku hayo mas’uulkan oo hay’adda NISA uu keenay talyihii hore C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe.