Wararlaga helayo magaalad Muqdisho ayaa sheegay in qaraxyo ay ka dhaceen degmada Yaaqshiid, gaar ahaan agagaarka warshada Baastada.
Qaraxyada ayaa la sheegay inay ka dhasheen miinooyinka dhulka lagu aaso oo lala beegsaday Ciidamo kolonyo ah oo ka tirsan AMISOM, kuwaasoo marayey meel u dhow Warshada Baastada ee Magaalada Muqdisho.
Weli ma cadda qasaaraha ka dhashay qaraxyada is xigay, waxayan dadka degaanka sheegeen Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoog leh qaraxyada kadib.
Aagga Suuqa xoolaha iyo Warshadda Baastada ayaa inta badan waxaa ka dhacay qaraxyada noocan oo kale ah, iyagoo lagu beegsado gaadiidka ciidamada AMISOM oo iyaguna rasaas aan loo meel dayin fura marka qaraxyadu dhacaan.