Wararkii ugu danbeeyay dagaalka mar kale qarxay Magaalada Guriceel.

Dagaal xooggan ayaa hada  ka socda halka loo yaqaano Jaamacadda ilaa Shiikh Salaad Xeydar, Waxaana la maqlayaa hub culus oo labada dhinac isku adeegsanayaan  Sidoo kale dagaal kale ayaa goor dhow ka bilaawday Tuulo Gaban oo dhacda Waqooyiga Magaaladda, Waxa uuna u dhexeeyaa Ciidanka Ahlusunna oo dib usoo rogaal celiyay iyo kuwa Dowladda.

Ciidamadda Dowladda ayaa wali ku sugan Saldhigga Booliska iyo Xarunta degmadda wadada laamiga ee ku teedsan.

Marka la eego dagaalka dib u bilaawday iyo hubka laiska adeegsanayo waxa ay muujinee in wali Magaaladda ay ku jirto xaalad dagaal xilli 12 saacadood uu socdo dagaalka ka dhex qarxay Ciidanka Dowladda iyo Ahlusunna.

Wixii ku soo kordha dib ayaan idiin kala socodsiin doonaa.