Wararkii ugu danbeeyay Al-shabaab oo weerar Culus ku qaaday Garoonka Ballidoogle.

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in weerar culus oo ku bilowday qaraxyo lagu qaadya saldhigga weyn iyo Garoonkii diyaaradaha ciidamada cirka Ballidoogle oo ciidamada gaarka ah ee Soomaliya iyo kuwa Mareykanka xarun u ah.

Alshabaab ayaa durba sheegatay inay weerar culus ku qaaday Saldhigga Ballidoogle oo ay qeyb ka mid qabsadeen, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay maqleen qaraxyo waaweyn iyo rasaas culus iyadoo weli uu socdo dagaalka oo ah mid jihooyin badan rasaasta laga maqlayo. Ma jiro war kasoo baxay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaliya oo tiradoodu tahay in ka badan 500 ayaa intooda badan ka howlgala saldhigga Ballidoogle, waxaana sidoo kale halkaasi lagu tababarraa ciidamada kumaandooska Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in laba gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo ay wadeen is-miidaamiyeyaal ay ku qarxeen albaabka laga galo Saldhigga Ballidoogle, iyadoo qaraxyada ay ahaayeen kuwo waaweyn, ayaa kadib waxaa halkaasi ka bilaabatay rasaas culus oo weli socota.