Wararkaka imaanaya magaalada B eledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli halkaas ay ka taagantahay xiisaddii ka dhalatay xilka-qaadistii lagu sameeyay gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Wararka Warbaahinta Goobsan saakay a helayso ayaa tilmaya in ciidamo ka amar qaata gudoomiyhiii xilka laga qaaday ay soo buux dhaafiyeen magaalada gaar ahaana ay xirteen waddooyinka muhiimka ah,waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in aydareemayaan cabsi xoggan.
Dhinaca kalana madaxweynaha Hirshabelle Maxamed C/waare oo shalay gaaray magaalada ayaa kulamo la qaatay odayaal dhaqan taas oo lagu xalinayay khilaafka waxaana weli ay kulamo ka socdaan xerada Lama galaay ee oo ah taliska ciidanka Jabuuti ee gobolka Hiiraan.
Xiisadda ka dhalatay xilka qaadista lagu sameeyay gudoomiyihii gobolka Hiiraan ayaa sababtay dagaal ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne oo uu ku dhintay taliyihii qeybta Booliiska Gobolka Hiraan.