Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Qaraxyo iyo dagaal toos ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in hadda ay xaalado degan tahay.

Labo Qarax ayaa ka dhacay meel u dhow Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana Qaraxyaddaasi ay dhaceen ka dib markii Ciidamada Ammaanka ay dagaal culus la galeen dabley hubeysan oo soo weerartay.

Qaraxa koowaad oo ahaa gaari ayaa ka dhacay Umbulutooriyadda Ceelgaabta Degmada Xamar Jajab, meel ku dhaw Koontaroolka Ciidanka ay joogaan ee Beerta Nabadda.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo tiradda ku dhimatay Qaraxyadda iyo dagaalka Maanta ka dhacay Muqdisho.

Xaaladda goobihii ay wax ka dhaceen ayaa hadda degan, waxaana la toogtay dablaydii weerarka soo qaaday nkastoo aan wali si rasmi ah loo ogeyn tirada saxda ah ee dableydii weerarka soo qaaday.

Ma jirto hadda wax rasaas ah oo socota, waxaana muuqataa in weerarkii lasoo Afjaray.

Wali lama xaqiijin karo  khasaaraha dhabta ah marka laga soo tago dablayda Weerarka soo qaaday oo la toogtay, mana jiro wax war ah oo wali kasoo baxay Hay’addaha Ammaanka.