Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxyo iyo Weerar toos ah ay maanta halkaasi ka dhaceen.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka qaaday dhaawacyo  ay ka mid yihiin Askartii ku sugneyd Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Irideeda.

Waxaa sidoo kale jira Khasaare soo gaaray dad Shacab ah oo halkaasi Maraayay.

 Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen Weerarkaasi.

Labo Qarax ayaa laga maqlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kan koowaad ayaa ka dhacay Iridda Galo Wasaaradda, waxaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.

Daqiiqado ka dib ayaa sidoo kale Qarax laga maqlay Gudaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha , waxaana la sheegay in uu ahaa ruux isqarxiyay.

Khasaaraha rasmiga ah wali lama xaqiijin karo laakiin hadda ma jiraan wax xabado ah oo dhacaya.