Wararkii ugu dambeeyay Qarax Nuuca Miinada ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Miino oo xalay ka dhacay degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Isgoyska Ifka Xalane qeybta degmada Dayniile.

Qaraxan oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha degmada Dayniile ayaa waxa uu nuuciisa ahaa Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay Qaraxan oo lagu aasay derbiga wado u dhow guri halkaasi ku yaalla in lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo halkaasi ku sugnaa.

Khasaaraha hordhaca ah ee qaraxan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ku dhintay Hal Askari oo ka tirsan ciidamada xasilinta, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Xasilinta