Tiradii ugu badneyd Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka soo muuqday Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasi oo la gudbiyay 14-kii bishan March.
Kulan qado ahaa kuna lifaaqsanaa dhoolatus oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka SYL si aan kala har laheyn waxaa uga soo dhex muuqday Wasiirada ugu muhiimsan Xukuumadda Federaalka, taasi oo si aad ah ay shacabka Soomaaliyeed u hadal hayaan.
Wasiirada kulanmkaasi ka soo muuqday oo Camerada ay soo qabatay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Soomnaaliya Maxamed Abuurkar Islow (Ducaalle), Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaalle Bayle, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraaha Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiro ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlaayaal.
Wasiirada Mooshinka ka hadalkiisa aanan ku qanacsaneyn waxa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda Bayle oo qudbad halkaasi uu ka jeediiyay kaga hadlay arrimaha Maaliyadda, Akoono in loo furo Ciidamada Booliska iyo bixinta Canshuurta.
Wasiirada la dhacsan Mooshinka iyo qaabka ay wax u socdaan waxaa ka mid ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye oo sheegtay Mooshinka abaabulkiisa in inta badan ay leeyihiin Wasiirada.
Xildhibaanada iyo Wasiirada kulanka yeeshay ayaa waxa ay sheegeen in tiro ahaan ay gaarayaan 197 xildhibaan, ayna ku kalsoon yihiin in ay kursiga Guddoomiyenimo ka tuuri karaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Sida muuqata waxaa hakad ku yimid oo istaagay shaqooyinkii ka socday xafiisyada Dowladda gaar ahaan kuwa Xukuumadda iyo Baarlamaanka, taasi oo ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Baarlamaanka Golaha Shacabka.
Warar soo baxayay ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Beesha Caalamka faragelin muuqata ay ku hayaan arrimaha la xiriira Mooshinka laga keenay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada saxiixay Mooshinka laga keenay Guddoomiye (Jawaari) ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baarlamaanka la siiyo madax banaani ku aadan inay qabsadaan hawlahooda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya looga baahan yahay inay fara kala baxaan arrimaha siyaasadeed ee maalmahaan ka dhex taagan Golaha shacabka.
Hadii aan dib u xusuusano 2017-kii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud xilligii Olaha Doorashada oo saacado un ay ka harsneyd Doorashada ayuu sheegay inuu heysto codadka in ka badan 200 oo xildhibaan, balse waala ogaa tii ka dhacday hoolka Doorashada, oo waxaa is rogay xildhibaanada, sidaasina Madaxweynaha uu ku dhaafi waayay codadka 97.
Dadka Baraha bulshada isticmaala iyo dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in bandhigii xildhibaanada shalay ay la mid tahay tii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, keliyana muhiimada ay tahay in la sugto markii la gaaro codeynta ee la isku arko xarunta Golaha Shacabka iyo waxa dhici kara.











