Wararkii uGu dambeeyay doorashada Maamulka Jubbaland

Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland,waxaa siweyn looga dareemayaa qaban qaabada doorashada Maamulkaas, kaas oo la filayo inay dhacdo dabayaqaada Bishaan aan ku jirno ee Agoosto 2019. Xalay Guddiga madaxa bannaan ee Xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland waxaa ay ku dhawaaqeen liis Xildhibaano ah oo ka koooban 73 Xubnood,hayeeshee ay sheegeen inay harsan yihiin laba xubnood, kuwaas oo dooran doona Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo Madaxweyne uu yeesho Maamulkaas. Waxaa Magalada Kismaayo lag dareemaya ololaha ay wadaan musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxwenaha Jubbaland,iyada oo amniga Guud ee Magaalada Kismaayo siweyn loo adkeeyay sidoo kale amniga Xarunta lagu qabanayo doorashada ay sugayaan Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhowr mar ku celceliyay in doorashada hoggaanka Jubbaland aysan waqtigeeda dhaafi doonin,isla markaana qof walba oo musharax ah ay soo dhaweeynayaan. Dhawaan waxaa sidoo kale Magalada Kismaayo gaaray wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD,kuwaas oo kulamo la qaatay, Odayaasha xulaya Xildhibaannada Jubbaland, Guddiga doorashada,musharixiinta is diiwaangeliyay iyo kuwa aan is diiwaangelin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Kismaayo.