Wararkii u dambeeyay ee Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maalintii Saddexaad Maanta galay shirka Golaha Iskaashiga Dowlad gooleedyada oo Maalintii Axada aheyd halkaasi ka furmay.

Furitaanka shirka ayaa Madaxda Dowlad goboleedyada waxaa ay jeediyeen khudbado ay uga hadleen culeysyada Siyaasadeed ay xilligaan kala kulmayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya,iyada oo talooyin ay isdhaafsadeen.

Maanta o Talaado ah ayaa lagu wadaa in shirkaasi la soo geba gabeeyo,isla markaana ay Dowlad Goboleedyada ka soo saaraan warmurtiyeed ku saabsan qodobadii ay ku heshiiyeen.

Warar aan si hordhac ah u helnay ayaa waxa ay sheegayaan in qodobada ay ka mid noqon doonaan Warkii ka soo baxay wasaaradda arrimaha Gudaha,doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay sheegen in dowladda Soomaaliya Ciidamo geysay Magalada Baydhabo iyo qodobo kale.

Shirka Golaha Iskaashiga ayaa markii ugu horeysay waxaa ka maqan Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo heshiis la gaaray dowladda Soomaaliya,waxaana la wada sugayaa Warmurtiyeedka ay Maanta soo saaraan Dowlad Goboleedyada.