Warar ku saabsan Qaraxyo iyo Rasaas caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Dhawaqa rasaas ayaa laga maqlayaa nawaaxiga Masaajidka Isbaheysiga Magaalada Muqdisho iyo agagaarka Xerada Dhagaxtuur ay degan yihiin ciidamo.

Laba Qarax oo is xig xigay ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho gudaheeda, midka koowaad ayaa ka dhacay meel ku dhow isgoyska Jubba, halka kan kalena uu ka dhacay wadada Sayidka.

Rasaastan iyo Qarxayda dhacaya oo bilowday salaadii Maqrib kadib ayaanan ilaa hadda aan la ogeyn halka sida tooska ah loogu weeraray.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa waxa ay tahay mid jawigeeda uu qasan yahay, Ciidamada ammaanka ayaa dadka ku amraya in guryahooda galaan oo aysan banaanka u soo bixin.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka ammaanka ayaa inoo sheegay Gaari Ciidamada ay ku baarayeen fariisin Ciidamada ay ku leeyihiin Sayidka inuu halkaasi ku qarxay.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Koofi guduuda ay toogteen laba nin oo hubeysan.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa shalay Golaha Wasiirada kahor sheegay in magaalada ay ku jiraan laba gaari oo qaraxyo sida, wuxuuna ku baaqay in laga feejignaado.