Wararka inaga soo gaaraya wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.
Qaraxan ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Shaleemo Soomaali, waxaana la soo sheegayaa in lala beegsaday maqaaxi ku taalla halkaasi oo dadka ay aad uga cunteyn jireen.
Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay Maqaayad kasoo horjeeda Baar Italia Café oo ku taalla Isgoyska Shaqaalaha ee wadada Makala Amukarama ee Magalada Muqdisho.
Qaraxan oo ahaa mid xoogan islamarkaana laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaanan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegayaa in uu qaraxaasi ka dhashay,waxaan wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa mid gaari loo adeegsaday.
Xiliga uu Qaraxa dhacaayay waxaa halkaasi ku shaahayay dhalinyaro farabadan oo u badan shacab.
Bartamaha wadada iyo hareeraha Maqaaxida ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay yaalan Meydad iyo dhaawacyo oo ku waxyeeloobay Qaraxa, waxaana xusid mudan in wadada bartankeeda ay ku gubanayan gaadiid iyo Mootooyin la kawsaday gaariga Qaraxa.
Sidoo kale, warar aan sidaa loo sii xaqiijin ayaa sheegaya in khasaaraha dhimasho uu gaarayo ilaa afar ruux, halka dadka dhaawacana uu maraayo ilaa Sideed ruux oo u badan shacab.
Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in la furo waddooyinka Muqdisho.