War Deg Deg Ah: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C.rashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhow iska casilay xilkiisa, isagoo istiqaaladiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Warar ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijinaya in Wasiirka uu arrimo shaqsi isku casilay.

Shirka Golaha Wasiirada oo goor dhow soo dhamaaday ayaa laga sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga uu is casilay.

Is casilaada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka dambeysay wax yar un kaddib markii uu is casilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo xilka Taliyaha loo magacaabay Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod.