Wararka inaga soo gaaraya Wadada Taleex ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino oo Gaarigiisa loogu xiray Masuul ka tirsan Jaamacadda Horseed.
Wariye halkaasi ku sugan ayaa soo sheegaya Qaraxa in uu ahaa mid si weyn looga maqlay Agagaarka goobta uu ka dhacay.
Masuulka Qaraxa loogu xiray Gaarigiisa ayaa waxaa lagu magacaabaa C/kariin, kaasi oo ka tirsan Madaxda Jaamacadda Horseed, waxaana soo gaaray dhaawac culus.
Warar kale ayaa sheegaya in C/kariin uu sidoo kale la shaqeynayay Hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, sidoo kale waxaa bur bur xoogan uu soo gaaray Gaarigii uu watay.
Dhaawaca C/kariin ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, halkaasi oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo.