War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in madaxda maamul Goboleedyada dalka ee ku shirsanaa magaalada Kismaayo ay xiriirka u jareen dowladda federaalka Soomaaliya.
Sida laga helayo ilo ku sugan magaalada Kismaayo Go’aankan ayaa ka mida war-murtiyeed goor dhow soo bixi doona oo laga soo saaray shirkii 4-ta maalmood magaalada Kismaayo uga socday shanta madaxweyne ee maamul Goboleeydada dalka.
Madaxda maamul Goboleedyada Jubbaland, Puntland, K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa go’aansaday inay joojiyaan wada-shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Federaalka tan iyo inta ay ka fulineyso heshiisyadii hore u dhex maray labada dhinac.
War-murtiyeedka shirka Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu dhowaan soo baxo.